Dhuusamareeb (Halqaran.coom) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiishii Ciidamada Ahlu Sunna, ee Sabtidii uu wareejiyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii Xukuumadda Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
General Mascuud Maxamed Warsame oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlu Sunna, ka hor intii aan la qaramayn ayaa ka shaqeeyay kulankii xalay Magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiishii Ciidamada Ahlu Sunna.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay doorka Saraakiisha Ahlu Sunna kaga aadan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.
Saraakiishan oo ka kooban qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ayuu Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday in ay kala shaqeeyan maamulkiisa nabadgelyada iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa waxay kulanka ka sheegeen inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran iyo inay u hoggaan-samaan awaamiirta Madaxda Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu Saraakiisha ku booriyay in ay la shaqeeyan ciidamada, ayna ka qayb qaataan kaalintooda kaga aadan ammaanka iyo in laga mira dhaliyo mowqifka lagu doonayo, in si wadajira lagula dagaalamo Shabaabka hubeysan, iyadoo markaasi laga xoreynayo Deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin.
Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu xusuustaa dagaaladii qaraaraa ee Shabaabka kula galeen qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoona ka sifeeyay dhul ballaaran, oo ay horey uga arrimin jireen.
Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa lagu ammaanaa in ay dadka Soomaaliyeed bareen in lala dagaalami karo Ururka Al Shabaab, haddii la dagaalankooda uu dhab ka yahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com













