Caafimaadka (Halqaran.com) – COVID-19 oo loola jeedo (karoona feyras) ayaa dilay dad tira badan oo intooda badan ku nool shiinaha iyo dalal kale oo uu u gudbay.
Karoona waxa uu ku biloowdaa jirro ama xanuun fudud oo laga bogsan karo, balse dadka qaar daryeel caafimaad yari darteed ayaa ku qasabto in ay gaaraan heer ay u dhintaan, haddaba si aad uga hortagto feyraska dilaaaga ah samee tallaabooyinkan soo socda oo ay ku siineyso Hay’adda Caafimadka Dunida ee WHO.
Dhaq gacmahaaga si joogto ah:
Si joogto ah u dhaq gacmahaaga adigoo ku dhaqaya aalkolo ama saabuun.
Sababtoo ah in gacmahaaga aad ku nadiifiso saabuun ama aalkolo waxa ay dishaa jeermiska iyo feyraska ku nool gacmahaaga.
Masaafo u jirso qof walba:
U jirso 1 mitir ama 3 feet qof walba oo qufacaya ama hindhisaya.
Sabatoo ah qofka qufaca ama hindhisa waxa uu sii daayaa dhibco yar yar oo qoyan taasoo kuu keeni karta inay u gudbaan neef-mareenkaaga oo ad ka qaadi karto feyraska haddii uu qabo qofka qufacay.
Ka fogee gacantaada Indhaha, sanka iyo afka:
Maxaa yeelay taabashada indhahaaga, sanka iyo afkaba gacmuhu waxay u dusin karaan feyras gudaha jirkaaga haddii ay wasakheysanyihiin.
Joogtee nadaafadda deegaanka ama hawada:
Hubi adiga iyo dadka kuu dhow in aad hagajisaan nadaafadda hawada iyo jawiga aad la nooshihiin, marka aad qufaceyso ama aad hindhiseyso isticmaal maro ama tiish si aadan hawada ugu sii deyn dhibcaha qoyan ee ka imanaya sankaaga iyo afkaaga, kaddibna ku tuur meel ku habboon marada aad ku qufacday.
Tallaabooyinkan waxaa soo saaray Hay’adda Caafimadka Adduunka si looga hortago faafidda iyo khatarta feyraska Karoona.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






