Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo gaaray dalka Jabuuti +(SAWIRRO)

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta garay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti.

Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Galmudug, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadli doonaan arrimaha Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...