Madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo gaaray dalka Jabuuti +(SAWIRRO)

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta garay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti.

Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Galmudug, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadli doonaan arrimaha Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com