Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Kulan gaar ah oo dhexmaray Xasan Sh. Maxamuud, Saciid Deni, Shariif Xasan iyo C/raxman C/shakuur +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UPD ayaa hoyga madaxweynaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Punland mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga magaalada Muqdisho.

Soo dhoweyn kadib waxaa kulan gaar ah wada qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan Maxamed Cabdiraxmaan Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan.

Ugu dambeyn, xubnahan ayaa isla gartay shirka caawa Madaxweyne Farmaajo ay la qaadanayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay ka yeeshaan aragti mideysan oo ku saleysan nooca doorashada ee dalka ka dhaceyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...