Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

UPDATE: AMISOM oo taliye cusub loo magacaabay

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha cusub Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa noqonaya General Diomede Ndegeya, kaddib markii uu xilkaasi kala wareegay Taliyihii hore ee Amisom, General Tigabu Yilma.

General Diomede Ndegeya oo u dhashay dalka Burundi ayaa xilka kala wareegay General Tigabu Yilma, oo u dhashay dalkaasi Itoobiya.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Taliska Amisom ee Xalane ayuu xilkan kula wareegay Taliyaha cusub, xilli uu goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira.

General Diomede Ndegeya ayaa saxiixay dokumentigii uu xilka kula wareegayay, halka General Tigabu Yilma uu isna saxiixay dokumentiga uu xilka ku wareejinayo.

Dalalka Midowga Afrika ee ciidamadu ka jooggaan Soomaaiya ayaa hoggaanka ciidamada waxaa marba qabta saraakiisha dalalkaasi.

Xafiiska Warark Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...