Balanbal (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.
Wafdiga madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumadda Galmudug, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada..
Qoorqoor oo garoonka kubadda cagta kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay in degmada Balanbal lagu qabano gogol dib-u-heshiisiineed oo ku saabsan beelaha degga Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay in socdaalkiisa Nabadda uu la xiriiro u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Galmudug, isagoo Maamulka iyo shacbaka ku booriyay inay isu diyaariyaan marti gelinta shirweynaha dib u heshiisiinta ee la qorsheynayo in lagu qabto Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.
Maxamed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirro iyo Xildhibaanno.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigisa ayaa waxay safar dhulka ah ku soo mareen Degmooyinka Caabudwaaq, Hobyo, Gaalkacyo, deegaanka Dhabad iyo deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com















