Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaanka Xero-dhagaxley +(SAWIRRO)

Mudug (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa weli ku guda jira socdaalkiisa, uu ku marayo Gobolada Dhexe, waxaana uu Isniinta maanta ah gaaray deegaanka beeraha caanka ku ah ee Xero-dhagaxley ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo ka amba-baxay Degmada Hobyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Xero-dhagaxley, isagoona dadka deegaanka kula hadlay.

Madaxweynaha ayaa bulshada deegaanka kaga mahadceliyay soo dhaweyntooda diiran, iyadoo uu ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin tacabka beeraha iyo wax soo saarka, waxaana uu ku boggaadiyay in ay xil iska saaraan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufinta dhirta.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa bulshada deegaanka u ballanqaaday inay heli doonaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha, sida biyo nadiif ah iyo weliba waxbarasho.

Qoorqoor ayaa safarkan uu ku tagay Xero-dhagaxley waxaa ku wehlinayay qaar ka mida Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan iyo siyaasiyiin.

Ugu dambeyn, socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa la xiriira xoojinta nabadda iyo horumarinta deegaanada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...