Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wabiga Jubba oo fatahaad sameeyay iyo Wararkii ugu dambeeyay Khasaarihii uu geystay

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya, in deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi kaga aadan Kismaayo uu ku fatahay wabiga Jubba ee mara deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in fatahaada wabiga uu baabi’iyay dhul beereed aad u ballaaran oo ku yaallay jiinka webiga, sidoo kalena ay barakaceen dad deganaa meelo kamid ah deegaanka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Buulo-gaduud oo lagu Magacaabo Maxamed Faarax ayaa sheegay in Fatahaada Wabiga uu qaadday dalagyadii ay sugayeen oo ay beerteen, isagoo dowlad goboleedka Jubbaland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha beeraha ugu baaqay in ay gurmad u soo fidiyaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha deegaanka Buulo-gaduud ayaa sheegay inay wadaan daddaallo lagu xirayo goobaha uu webiga kasoo fatahay, isaga oo ugu baaqay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland in arrintaasi gacan lagu siiyo.

Wabiga Jubba ayaa waxa uu horey fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo oo ay kamid tahay degmada Baardheere, isla markaana gurmad kala duwan loo sameeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...