Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo sheegay in DF Somaliya ka taageeri doono la dagaalka Al-Shabaab

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan dhibaatada heysta kaliya ay tahay mid ay ku hayaan Ururka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta Gobolada dalka Soomaaliya.

Mr Cagjar ayaa sheegay in Maamulka dowlad degaanka Soomaalida uu diyaar u yahay in dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka caawinayaan dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa waxaa uu hadalkiisa kudaray in dadka Soomaaliyeed oo heysta kheyraad kala duwan balse aysan ka faa’iideysan sababo la xiriira dhibaatada ay ku hayaan Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa imaanaya, xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu safar ku marayo degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com