Wednesday, December 10, 2025
28.3 C
Mogadishu

Ra‘iisal Wasaarihii dalka Britain, Liz Truss oo is-casishay (Ogow Sababta)

UK (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaarihii Britain, Liz Truss ayaa ku dhawaaqday inay is casishay, ka dib maalmo fowda ah oo ay gashay xukuumaddii ay hoggaamineysay.

Iyadoo ka hadleysay 10 Downing Street ayay sheegtay inaanay gudan karin waajibaadkii loo igmaday, isla-markana ay dhici doonto codbixin kale oo Xisbiga Conservative dhexdiisa ah, si ay u soo doortaan Ra’iisal Wasaaraha xigga.

Truss ayaa waxay sheegtay in shakhsiga bedelaya lagu dooran doono kulan ay toddobaadka dambe yeelan doonaan Xildhibaanada Conservative-ka.

Lix toddobaad oo keliya ayay ahayd Ra’iisal Wasaaraha Britain, waxayna noqonaysaa Ra’iisal Wasaarihii ugu muddada gaabnaa, taariikhda Ingiriiska. Xilka ayaana loo doortay 5-tii bishii hore ee September.

Liz Truss ayaa sheegtay inay xilka sii hayn doonto, illaa iyo inta laga soo dooranayo Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Truss ayaa ku guuldareysatay miisaaniyad dhimis canshuureed, taasoo ruxday suuqyada dhaqaalaha, waxayna dood adag ka dhex abuurtay xubnaha xisbigeeda.

Ugu dambeyn, Liz Truss ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelisay dhaqaalaha Boqortooyada Midowday ee U.K, ka dib qorsheyaal muran badan dhaliyay, oo ay markii dambena ka laabatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...