Sunday, May 24, 2026
26.3 C
Mogadishu

Qarax lagu burburiyay Buundada degmada Buulo-burde ee G/Hiiraan +SAWIRRO

Buulo-burde (Halqaran.com) – Waxaa Qarax xooggan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay uu ka dhacay buundada degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, sida wararka ay helayso HalQaran News ay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi jugtiisa aad laga maqlay xaafadaha degmada buulo-burde.

Goojoogayaal ayaa sheegaya in Qaraxani uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaas oo lagu burburiyay Buundada degmada kala qeybisa degmada Buulo-Burde iyo deegaannada hoostaga.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay Buundada oo go’aday, isla markaana xilligaan uusan mari Karin wax gaadiid ah.

Sidoo kale, waxaa jira dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Buulo-Burde iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo Isitaalka degmada Buulo-Burde la geeyay dadkii qaraxaasi ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu burburiyay buundada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, taasi oo muhiim u aheyd waddada isku xirta gobollada dhexe ilaa Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...