Friday, May 29, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyaha Dowlad deegaanka Somalida oo ka si kulul uga hadlay dilkii Xildhibaannad Juweeriya Subcis

Jigjiga (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Mr Cagjar ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xannuunka la qeybsanayo dadkii dhaawacmay.

“Waxaa la aasaasay guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan”, ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in askarigii dilka geystay uu mudan doono ciqaab.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin”, ayuu intaas raaciyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...