Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

RW Xamse oo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kala hadlay xoojinta ammaanka dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha  kala duwan ee talisyada ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada, maadaama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo lagu dhibaataynayo shacabka.

” Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

RW Xamse oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey argagaixisada, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahan caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...