27.1 C
Mogadishu
Monday, November 28, 2022

Qaramada Midoobay oo si wadajir ah baaq deg-deg ah ugu dirtay Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah siiba Bariga Afrika si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada.

Filippo Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Mar uu ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Waxaa kale oo uu sheegay ururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomalida ku jiraan iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootigaa. Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan , waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Isku soo wada duub, qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be...

Ilhan Omar fires back after McCarthy vows to remove her from committees

BY ZACH SCHONFELD / The Hill Rep. Ilhan Omar (D-Minn.)...

Argentina loses to Saudi Arabia in All-Time World Cup upset

BY JAMES BRINSFORD / Newsweek Saudi Arabia has set the...

Somali National Army kills two senior al-Shabaab leaders

At least two senior al-Shabaab leaders have been killed...

KDF will be in Somalia till peace restored – Duale, Kenya’s Defence Minister

Kenya forces working under the framework of the African...
spot_img

Madaxweynha JFS Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyay Furitaanka Shirweynaha Maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfura shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo ay soo agaasintay...

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be shut on the 8th of December in protest over the indictment of a police sergeant...

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la soo afjaray weerarkii Villa Rays

Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar qaatay in ka badan 20 saacadood oo ay Al-Shabaab Ku weerareen magaalada...