Thursday, June 4, 2026
26.8 C
Mogadishu

Madaxtooyada Soomaaliya oo si adag uga hadashay wararka sheegaya in Al-Shabaab codsadeen wada-hadallo

Muqdisho (Halqaran.com) – Kadib markii shalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim uu goob fagaaro ah ka sheegay in Al-Shabaab ay soo codsadeen in wada-hadallo lala galo ayna soo dhawey nayaan marka laga reebo kuwa Ajaanibta ah ayaa waxaa Warkaasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab.

Lataliyaha oo la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in qorshahooda aysan kujirin inay wada-hadal la galaan Al-Shabaab, hayeeshee shaqasiyaadka doonaya inay kasoo baxaan Al-Shabaab la marsiin doono nidaam u degan dowladda.

“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jirno, waxaana la marin doona qofkii shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.

Si kastaba, hadalka kasoo yeeray la taliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli shalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga uu sheegay inay wada-hadal soo codsadeen Al-Shabaab, balse dhankooda ay warkaasi beeniyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...