Saturday, June 6, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madax ka tirsan Hirshabeelle oo gaaray Degmada Cadale & mashaariic xariga laga jaray

Cadale (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayay oo gaaray Degmada Cadale ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga Hirgaliyay Degmo Xeebeedka Cadale.

Guudlaawe oo socdaal ku tagay Degmada Cadale ay waxaa isugu soo baxay soo Dhoweyntiisa boqolaal Dadweyna ah oo ka tirsan Shacabka Reer Cadale.

Soo Dhoweynta Kadib Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Xariga ka jaray Sagaal Mashruuc oo qeyb ka ah horumarinta degmada waxayna kala Yihiin.

1-Dhismaha Xarunta Degmada.
2-Dhismaha Guriga Martida
3-Dhismaha Guriga Hooyooyinka
4-Dhismaha Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Sheikh Axmed Gabyow
5-Dhisida kawaanka Xoolaha
6- Dhisida Kawaanka Malayga
7-Dhisida Suuqa Khudaarta
8- Garoonka K/Koleyga
9- Taalada Nabada ee Sh Axmed Gabyow.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka waxa uu dhagax dhigay dhismayaal loo sameynayo Saldhiga Booliska Degmada iyo Maxkamada Degmada Cadale.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...