Saturday, June 6, 2026
26.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab: In badan 10 Askari ayaan ku dilnay dagaalkii Jubbooyinka

J/Hoose (Halqaran.com) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland, kadib markii Jimcihii shalay dagaal uu ku dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

Warbaahinta maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay sheegeen dagaalkaasi inuu ka dhacay deegaanka Qaam qaam oo ka tirsan Jubbooyinka, kadib markii wadada ay u galeen sida ay sheegteen Ciidamo laga soo talaabiyay wabiga.

Ciidanka weerarka ay ku qaadeen ayeey sheegeen in laga soo talaabiyay deegaanka Goobweyn oo ah halka ay isaga darsamaan Wabiga Jubba iyo Badweynta India, waxayna sheegeen dagaal kulul oo halkaasi ka dhacay inay khasaarahaasi ku gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland.

Ma jirto cadeymo ka madax banaan Al-Shabaab oo xaqiijinaya in khasaaraha intaasi la eeg uu soo gaaray Ciidamada Jubbaland, balse Warbaahinta Ururka Al-Shabaab ayaa warkaasi laga faafiyay.

Ururka Al-Shabaab dhankooda ma aysan sheegin khasaaraha ka soo gaaray dagaalkaasi, balse waxa ay ku faaneen oo kaliya khasaare inay gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ee dagaalka ay la galeen.

Si kastaba, maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan qariya Khasaaraha ka soo gaara dagaalada ay la galaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee ka dhaca Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...