Thursday, June 18, 2026
26.2 C
Mogadishu

TURKIGA oo ka qeyb qaadanaya dib u soo kabashada adeegga Boostada Soomaaliya

Geneva (Halqaran.com) – Wasiirka Boostada Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Midowga Boostada Adduunka ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Kenan Bozgeyik, isaga oo kaddibna dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo soo nooleynta adeegga boostada oo ah adeeg muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha la dhoofiyo.

Kenan Bozgeyik ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waaya-aragnimada iyo xiriirka diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka.

Wasiirka Boostada iyo Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ka shaqeeyay magacaabista guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cuna-qabateynta, isla markaana aan codeyno markii ugu horreysay burburka kaddib. Laakiin in boostada dibadda loo diro waa howl aad iyo aad u culus oo u baahan qalab, aqoon iyo isku-xirka adduunka, kuwaas oo aan looga maarmin walaalaha Turkidu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Canshuur oo intaasi ku daray in ay xoogga saarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa.

Wasiir Canshuur ayaa sheegay in isgaarsiinta kaddib, adeegga boostadu yahay mudnaanta 2aad, maadaama uu fududeeyo ganacsiga internet-ka (E-Commerce), fududeynta adeegyada maaliyadda iyo in dadweynaha loo soo dhoweeyo adeegyada dawladda.

Ugu dambeyn Wasiirka Boostada Soomaaliya ayaa sheegay in hadafkoodu yahay dhismaha boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo

Xafiiska Halqaran.com, Rome
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...