Thursday, May 14, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maamulka G/Banaadir oo maanta ka Shiray dar-dargelinta iyo Kor u qaadista Dakhliga Gobolka

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamrd (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay qeybta maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa warbixinno kala duwan looga dhegeystay agaasimeyaasha dakhliyada kala duwan oo soo bandhigay qorshaha u dagsan sanadkaan 2020.

Duqa Muqdisho, Cumar Finish ayaa xusay dar-dargelinta howlaha dakhliyadu in door muhiim ah ay ka qaadanayaan horumar walba oo la qorshaynayo in la sameeyo sanadkan 2020, Si loo xaqiijiyo arrimahanna ay ka dhigan tahay in si joogta ah loo shaqeeyo 24 saacadood iyo toddobada maalmood.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaan, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud maamulka gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha waaxaha daqliga ee dowlada hoose Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa faray mas’uuliyiinta kulankani kasoo qeyb gashay in ay xoojiyaan kordhinta dakhliga, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo musuq maasuq la xariira.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...