Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Dad ku dhintay Iska horimaad ka dhacay Gobolka Sool & Wararkii ugu dambeeyay

Sool (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya, in iska horimaad khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu deegaanka Jidbaale ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed.

Wararka ayaa sheegaya, in labadan maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah ay isku heystaan dhul qaadsimeed ku yaalla deegaanka ay ku dagaallameen.

Waxaa la xaqiijiyay in iska horimaadkaasi ay ku dhinteen Saddex qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku soo warramaya in geerida saddexda Ruux ay ka dambeysay, kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka labada beelood ay weerareen Qoys Reer Guuraa ah, iyaga oo u diidayay inay degaan degaanka Jidbaale.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ayaa sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku soo batay Colaad Beeleedyada, kuwaas oo xal laga gaaray, halka kuwo kale ay socdaan sidii loo dhammeyn lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...