Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Maamulka Galmudug oo Tababar u furtay Ciidamo Cusub

Gelinsoor (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga gudaha ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa tababar u furay askar ka mid noqoneyso Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo lagu xareeyey xerada Dhaan Karoone ee duleedka degmada Gelinsoor.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in askartaan lasiin doono tabar dhowr bilood ah loona carbinayo sidii ay uga mid noqon lahaayeen aasaaska daraawiishta dowlad goboleedka.

Ciidamadaan ayaa horay ugu xareysnaa xerada indhoqaris ee duleedka deegaanka Docol ee gobolka Mudug, waxaana loo soo wareejiyey xeradaan si ay u qaataan tababarkii u haray.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Ciidamada ayaa kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa,iideystaan tababarka Ciidamada la siinaayo.

Muddooyinkii dambe waxaa Galmudug ka socday uruurinta hubka ay haystaan maleeshiyaadka iyo In maleeshiyaadka lagu biiriyo Ciidamada Maamulka uu yeelanaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...