Thursday, July 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Dowladda Qatar iyo Ururka OIC oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo

Muqdisho (Halqaran.com) – War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii khasaaraha geystay oo ay Al-Shabaab Sabtidii Shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa tacsi u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada Dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la garab taagan tahay taageera kasta oo lagaga hortagayo weerarada  Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii ay Al-Shabaab ay Sabtidii shalay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay Dad isugu jira Rayid iyo Ciidan.

Ururka OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada iyo Qoysaska Dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u booga dhayo Dadka dhaawaca ah.

Ururka OIC ayaa ku celceliyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aadan kooxaha qaraxyada, wuxuuna ku dhowaaqay in ay Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin mar walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...