Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Maamulka G/Banaadir oo ka arrinsaday sugidda Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee maamulka Gobolka, kaasi oo goob-joog ka ahaayeen Ku-xigeenada maamulka Gobolka, Xog hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhammaan Saraakiisha Laamaha Ammaanka qeybahooda kala gedisan.

Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada Muqdisho, iyadoo halkaasi loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala duwa intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida.

Waxaana lagu balamay in la sii xoojiyo wada shaqeynta laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, waxaa kaloo shirka looga hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...