Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Abiy Axmed oo shaaca ka qaaday inay Itoobiya fara-gelin ku hayaan dowlado shisheeye

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in aanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

Abiy Ahmed ayaa sheegay, in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan kaliye dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

Sidoo kale, dalalka fara-gelinta ku haya, ayaa waxa uu ku tilmaamay inay yihiin hay’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya inay u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaanayaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...