Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hor yimid magacaabis uu Isniintii maanta sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebooka Saciid Cabdullaahi Deni ayuu ku yiri sida tan;
“Aniga oo ah Madaxweynaha DG Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka DG Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne ku-xigeenka DG Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.”
“Haddaba, waxa aan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hoggaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland”. Ayuu sidoo kale ku sheegay qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Mr Deni.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo beegmaya xilli uu Isniintii maanta Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaas uu magacaabis sameeyay.
Mr. Karaash ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Guddoomiyaha Degmada Laasqoray, isaga oo magacaabay 18 Agaasime oo ka mid ah Agaasimayaasha ka shaqeynayay xarumaha kala duwan ee Dowlad Gobaleedka Puntland.
Saciid Cabdullaahi Deni oo iminka ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho soo gaaray toddobaadkii hore, isaga oo durbadiiba ka billaabay Caasimadda dalka olalihiisa doorashada ee ku aadan u tartamidda xilka ugu sarreysa dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





