Muqdisho(Halqaran.com) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa goordhow Muqdisho ku dhaariyey xildhibannadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaanata tirada xildhibaannadu ay gaaraysaa 16 mudane.
Dhaarinta xildhibaanadaan ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee BFS Mudane Cabdikariim Cabdi Buux.
Sido kale Dhaarinta xildhibaannada ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo maalin ay naga xigto doorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu wado in ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com