Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Lix ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo la doortay (Akhriso Magacyadooda)

Muqdisho (Halqaran.com) – Arbacadii maanta waxaa Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo ay ku tartameen badankood dad xilal ka haaya dowladda Soomaaliya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Kursiga Koowaad:

Waxaa ku tartami lahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen, waxaana kursiga kusoo baxay Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo cod gacan taag ah loogu codeeyay 44 Cod.

Kursiga Labaad:

Waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Ibraahin lidle Saleebaan, waxaana kursiga kusoo baxay Saalax Axmed Jaamac oo helay 29 Cod halka Ibraahim Iidle Suleeymaan uu helay 12 Cod.

Kursiga Saddexaad:

Waxaa waxaa ku guuleystay codad gaaraya 25 Prof Cabdi Ismaaciil Samatar , waxaana la tartamay Prof Maxamed Maxamuud Alle bari oo helay 21 Cod.

Kursiga Afaraad:

Waxaa ku guuleystay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Prof Cusmaan Abokar Dubbe, isaga oo helay 28 Cod,  waxaana uu ka guuleystay Cabdikariim Maxamed Xasan oo helay 17 Cod.

Kursiga Shanaad:

Leyla Axmed Ismaaciil ayaa ku guuleystay sanatarada ka imaanaya gobollada waqooyi ee dalka , Layla Axmed Ismaaciil waxaa u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi, iyada oo cod gacan taag ah ku guuleysatay.

Kursiga Lixaad:

Bilaal Idiris Cabdilaahi oo horay ugu fadhiyay kursigaas ayaa ku guuleystay, waxaana uu helay 37 cod, halka Saynab Axmed Boqore oo la tartameeysay ay heshay 8 cod.

Si kastaba, waxaa dhiman shan kursi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay shaaciyeen guddiga doorashada gobollada waqooyi xilli la dooran doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...