Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashadan oo shalay soo bilaabatay ayaa waxaa 5-tii kursi ee ugu dambeysay kusoo baxay Senetarada kala ah:-
1-Saciid Cabdi Xasan.
2-Naciima Xasan Xaaji Maxamuud
3-Cabdirisaaq Ahmed Cali
4-Abwaan Axmed Ibraahim (Qorane)
5-Deeqo Xasan Xuseen.
Gebi ahaan Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 11-ka kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana shalay la doortay Lix Senator, halka Maanta la dooray 5 Senator, kuwaasi oo kamid noqnaya Aqalka Sare.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





