Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Faah faahino ka soo baxaayo Sarkaal xalay lagu dilay Garoowe.

Garoowe(Halqaran.com) – Waxaa duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Maamulka Puntland ee PMPF.

 

Sarkaalkan ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa.

Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay.

Dilkaan duleedka Garoowe loogu geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka ayaa kusoo aadaya xilli Maalin ka hor Magaalada Garoowe ay ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...