Nairobi (Halqaran.com) – Booliska Kenya ayaa xiray laba eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jir dilkii bilowga bishaan loogu geystay magaalada Nairobi Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah muwaadinad Soomaaliyeed.
Labadan eedeysane oo lagu kala magacaabo, Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xiray hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.
Booliska Kenya ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.
“Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, Jackson iyo Xafsa Cabdi waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.
Xafsa Maxamed oo 23 jir ah ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.
Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa Shan milyan ka dalbaday qoyskeeda.
Lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta, waxaana labada eedeysane lagu wadaa in maalinta Isniinta ee berri la soo taago maxkamad.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





