Guddoomiyaha Aqalka sare & Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho ku kulmay

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa uu Axaddii Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Magaalada muqdisho.

Cabdi Xaashi iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dardar-galin lahaa dadaalada loogu jiro qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo Muqdisho u yimid ka qeyeb galka kulanka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa la filaya in uu la kulmay Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ee ku sugan Caasimadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com