Turkey (Halqaran.com) – Allaha u naxariisto waxaa dalka Turkiga ku Geeriyooday General Khaliif Ciise Muddan oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaanay deegaannada dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana xilal kala duwan kasoo qabtay.
Marxuum General Khaliif Ciise ayaa sanadkii 2011-kii waxa uu soo noqday Wasiirka Amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Geerida Marxuum General Khaliif Ciise Muddan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelladiisa.
AUN General Khaliif Ciise Muddan ayaa sidoo kale soo noqday Musharax xilka Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana uu hadda ahaa marxuumka, La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Saciid Deni.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





