Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa caawa ku biireen Shirka Musharraxiinta Madaxweynaha uga socda magaalada Muqdisho maalinkii Saddexaad.
Musharraxiinta iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrinta muranka doorashooyinka, waxaana la filayaa in Musharraxiinta u dhiibaan farriin ku socota Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa waxaa ay kamid yihiin mas’uuliyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
Ilaa iyo hadda lama oga sababaha keenay inay shirka ku biiraan guddoonka golaha Shacabka ee BF Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay wehlinayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay shirka Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha.
Wixii warar ah ku soo kordhay kala soco warbaahin Halqaran.com
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








