Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Qaranka oo maanta lagu qabtay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa Shir guddoominaayay guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarroow.

Kulanka uu guddiga la yeeshay guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka qarankaa ayaa ahaa latashiyo iyo isxog-wareysi ku aadan 4ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan ee kala ah.

  • Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.
  • Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.
  • Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kazoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).
  • Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {xaliimo yareey} ayaa guddiga u soo bandhigtay talooyinkooda ku aadan xeerarka muhiimka u ah dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil {Xallimo Yareey} latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xarrriiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Kulankaan uu manta guddiga la yeeshay guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka ayaana qeyb ka noqonaayo kulamo uu guddiga la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee uu quseeyo xeerarka dhamaystirka u ah sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...