Berbera (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegaya in la joojiyay ku tukashada masaajidda Salaadda Taraawiixda.
Culimada magaalada Berberda oo kaashanaya mas’uuliyiiinta gobolka Saaxil ayaa isku raacay, in inta ka harsan bisha barakeysan ee Ramadaan aan lagu tukan doonin Masaajidda Berbera Taraawiixda.
Shir jaraa’id oo ay culimada ku qabteen magaalada Berbera ayaa waxa ay ku sheegeen, in dad ay gurmahooda ku tukadaan maalmaha ka dhiman bisha Ramadaan.
Waxayna arrintan ku sheegeen, mid ay kaga qeyb qaadanayaan dadaallada lagu xakameynayo cudurka dilaaga ee Saf-mareenka ah ee Coronavirus.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





