Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka da’ay roob xoogan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burur hantiyadeed, kaas oo watay gugac xoogan iyo dabeyello oo siweyn looga dareemay Caasimadda.
Warar ay helayso Halqaran.com ayaa waxa ay sheegayaan in Roobka uu sababay in uu soo dumo mid ka mid ah guryaha khadiimiga ah oo ku yaalla Ceel-Qalow oo ka tirsan Xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir, waxaana halkaasi ku geeriyooday Afar Carruur ah iyo Ayeeyadood.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad loo sameeyey qoyska uu guriga ku soo dumay ay sababtay in dhowr qof oo kale la soo badbaadiyo Gurigana laga bixiyo si aysan waxyeelo u gaarin.
Waddada laamiga ah ee marta Ceelqalow ayaa marka la gaaro xilli Roobaadka waxaa fariista Biyo fara badan, waxaana taasi ay sababtaa in gaadiidka ay ka wareegsadaan, isla markaana ay dhexmaraan xaafadaha Magaalada dhexdooda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya, in ay jiraan xaafado kale oo carruur ay ku dhinteen, kadib markii biyo badan ay galeen guryahooda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





