Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

Ku-simaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo booqasho lama filaan ah ku yimid Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Soomaaliya, tani oo ah booqashadii ugu horreysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya.

Waa Safarkii ugu dambeeyay ee booqasho uu Miller ku tagayo Afar waddan ee safarkiisan oo ah kii u horreeyey ee dibadda ah tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.

Miller ayaa ku sugnaa saacado kooban oo kali ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugan, kadib markii uu ka kicitimay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.

In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay tahay in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa.

Waxa ay booqashadani ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya ka soo saaro ku dhowaad dhammaan 700 ee askari ee Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.

Sidoo kale, milatariga Mareykanka ayaa fuliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyagoo bishii hore duqeyn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba, Pentagon-ka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin dhimista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, laakiin saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta CNN in dhimis ballaaran la filayo maalmaha soo socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...