Saturday, June 20, 2026
25.8 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii xalay ee ka dhacay Muqdisho & Khasaarihii uu geystay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Maqaayad lagu caweeyo oo ku taalla meel u dhow Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana qaraxaas lagu dilay dad u badan dhallinyaro.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino oo ahayd mid aad u mashquul badan goorta u qaraxu dhacayay.

Shaqaalagha gurmadka deg-deg ah ee Amiin Ambalaas ayaa sheegay in Qaraxa ay ugu yaraan ku nafwaayeen 8 qof, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 10 ruux.

Dhallinyarada qaraxa lagu dilay ayaa ahaa kuwo si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho, waxaana ay isugu jireen shaqaalle dowladeed, ganacsato iyo dhallinyaro dhawaan waxbarashada dhammeystay.

DF Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu qarxiyay dhallinyarada, waxaana ay ku baaqeen midnimo iyo in la xoojiyo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...