Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

KENYA oo soo saartay amar cusub oo saameynaya Soomaalida u socdaasha dalkeeda (Muxuu yahay dandaansiga Kenya?)

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan socdaalka dadka Soomaaliyed ay ku tagayaan gudaha dalka Kenya.

Muwaadiniinta Soomaaliyed ayaa Kenya waxa ay kala kulmayaan tacadiyo la xiriira dhanka safarka, maadaama warqad ka soo baxday laanta socdaalka Kenya lagu soo rogay Soomaalida Awaamiir cusub.

Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Magaalada Nairobi Garoonka Jomma Kenyatta, islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer.

Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya, inkastoo kuwa haysta Baasaboorka shacabka qudhooda baaritaanka uu saameynayo.

Dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ayaa la kulmaya Caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan kii ay horay ula kulmi jireen.

War ka soo baxay bishii May dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay soo mari doonaan Magaalada wajeer.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa Bishan gudaheeda isku arki doona Maxkamadda Hague halkaasi oo ay taallo dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya muranka ay galisay.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...