Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay Ciidamada Amisom.
Ciidankaan ayaa xalay ku hooyday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo saaka lagu soo dhaweeyay Banaanka Magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Degamada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle oo ugu horayn soo dhaweeyay Ciidamada Amisom ayaa sheegay in aysan jirin baahi amni balse Ciidanka loo dalbay in ay qayb ka qaataan Xoraynta deegaanada Maamulka Galmudug ee Al shabaab Maamulaan.
Soo dhaweynta Ciidankaan waxaa kale oo ka qayb qaatay Senator Jawaahir oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada Amisom ayaa fariisimo cusub waxa ay ka sameysan doonaan Magaalada Dhuusamareeb gudaheeda si qayb uga qaataan suggida ammaanka Magaaladaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay la wareegitaanka Magaalada Dhuusmareeb, kadib markii xubnihii Ahlu Sunna heshiisyo lala galay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com