Saturday, July 11, 2026
25.2 C
Mogadishu

XOG: ”Waxa ka socda Dhuusamareeb waa Afduub, ee wax dib u heshiisiin ah kama wado DF Somaliya”

Magaalada Dhuusamareeb

Galgaduud (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay qalqal-gelin dhanka ammaanka ah ka wado Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo Ciidamo Boolis iyo kuwa Amisom la geeyay.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay dowladda inay Dhuusamareeb ka wado qal qalgelinta amniga iyo midda Siyaasadeed ee Magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay Wasaaradda Arrimaha gudaha inaysan wax dib u heshiisiin ah ka wadin Magaalada Dhuusamareeb.

“Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxa uu intaasi raaciyay Xildhibaanka ciidamo Boolis ah oo suggi waayay ammaanka Degmooyin ka tirsan Muqdisho in loo qaado Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaan Ganey oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,  “Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo.‘‘

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...