Saturday, June 20, 2026
27.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Guddoomiye Cumar Finish oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Ku-xigeennadiisa (Muxuu kala hadlay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Sabtidi maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho kala hadlayay Guddoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir dardargalinta howlaha ay Dowladda Hoose Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, kulankan ayaa qayb ka ahaa xoojinta isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa, taas oo qayb ka ah siyaasadda Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo 29-ka bishan August xilka la wareegay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah nin aad u feejigan ayaa ciidamo badan wuxuu la tagay Xarunta Gobolka Banaadir, si ammaanka uu isaga adkeeyo.

Duqa Muqdisho Cumar Finish, ayaanan weli saldhigan xafiiska, waxaana uu ku jiraa marxalad qiimayn dhanka shaqada ah iyo is barasho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...