Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Galmudug oo furmay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee BF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Jimcihii maanta magaalada Dhuusamareeb uga qayb galay munaasabada furitaanka kal-fadhiga 2-aad Baarlamaanka Galmudug.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Sanataro, Wasiirro, maamulka Caasimada Galmudug iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Faarax (Osaama) oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug kana mid ahaa guddiga qabanqaabada munaasabada ayaa ugu horayn hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa khubad uu ka jeediyey munaasabada ku soo bandhiga qorshayaasha horyaala Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa khudbad dheer ka jeediyey, waxa uuna xusay inuu ku faraxsanyahay ka soo qayb galka furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Aqalka Sare ee Soomaaliya u soo diri doonaan guddiyo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa munaasabada soo gabagabeeyey, waxa uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa waxa ay qaateen fasax dheer, kaddib doorashooyinkii Galmudug ee lagu soo doortay madaxda sare ee maamulka, waxaana hada horyaala shaqooyin fara badan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...