Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

JUBBALAND ”Waxba laguma kordhinayo Hannaanka Doorashada maamulka, xilligeeda ayayna dhaceysaa!”

Kismaayo (Halqaran.com) – Xamse Cabdi Barre, guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaa maanta sheegay inaan loo baahnayn tallaabooyin kale oo la qaado si wax loogu kordhiyo hannaanka qabashada doorashada hoggaanka ee maamulkaasi.

Guddoomiye Xamse ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkii lagama maarnaanka ahaa la qaaday, sidaasi daraadeedna aanan loo baahneyn in wax lagu kordhiyo hannaanka.

Mr. Xamse ayaa hadalkan ku sheegay warqad qoraal ah oo uu u diray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabailsan Soomaaliya James Swan.

Wakiilka gaarka ah ee QM ee arrimaha Somaliya, James Swan iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee AU iyo IGAD ayaa iyagu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo labada hannaan ee is garab socda, isla markaana laga dhigo doorashada mid furan oo qaybaha ay khusayso ay ku wada heshiiyaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku sheegay warqadda uu maanta soo saaray inuu ka xun yahay hadallada ku qornaa warqadda la sheegay inay kasoo baxday James Swan waxaana uu ka dalbaday raalligelin beesha caalamka waxa uu ugu yeedhay “in laga beensheego aragtida” dadka Jubbaland.

Ugu dambeyn, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in diiwaangelinta dib loo furay, isla markaana waqti lagu daray xilligii ay dhici lahayd doorashada.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...