Hargeysa (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Indho-indho oo kamid ah golaha wakiilada ee Somaliland ayaa marka hore sheegay in uu soo dhowaynayo hadalka Madaxwaynaha Puntland ee Nabadda, Balse wuxuu sheegay in Gobolada Sool iyo sanaag aysan ahayn ahayn Puntland, Islamarkaana aan wax wada hadal ah laga geli Karin.
Xildhibaanka ayaa wuxuu Puntland ugu baaqay in ay Koonfurta Soomaaliya wax la qaybsato oo Hoggaamiso, balse ay faraha kala baxdo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Xildhibaan Indho-indho ayaa ku dooday in Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ay xadka wakhtigii Ingiriiska Odayaashoodii sameeyeen, iyadoo aan lagu qasbin.
Xildhibaanka ayaa waxaa la waydiiyey haddii dadkii Xiligaas Xadka sameeyay ay maanta diidaan waxa laga yeelayo?
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com