Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Jarmalka oo sii kordhay tirada dadka uu haleelay Cudurka Coronavirus

Berlin (Halqaran.com) – Waxaa aad u sii kordhay dalka Jarmalka dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus 24-kii saac ee la soo dhaafay, wuxuuna gaaray 4,000 (Afar kun oo ruux).

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay, in tirada kiisaska dadka uu soo ritay cudurka COVID-19 uu gaaray 3,677 qof, taasi oo tirada guud ee dalka ka dhigeysa 100.300 ruux.

Waa tiro ka hooseysa tii Axaddii shalay laga diiwaan gaaliyey dalka Jarmalka, sida laga soo xigtay xogta machadka Robert Koch Institut ee cudurada faafa.

Si kastaba, tirada kiisaska cusub ayaa ahayd shalay 5,936 oo qof. Iyadoo dhinaca kale tirada dhimashada ay kor u kacdey waxaana ay gaartay ilaa 1.590 qof.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...