Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay cudurka Coronavirus (COVID-19)

Mid ka mid ah Shabeelada ku jira beerta Bronx /Photo Credit: GETTY IMAGES

New York (Halqaran.com) – Dalka Mareykanka waxaa cudurka Coronavirus laga helay Shabeel.

Shabeelkani Dhiddiga ah oo dad’diisa lagu sheegay 4 sano islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx.

Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqonaya Xayawaankii ugu horeeyay ee laga helo caadurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca.

Saraakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baaritaankan lagu xaqiijiyay Shey-baar ku yaalla Iowa.

Nadia, iyo 6 xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta.

Shabeelkan ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka sida qufac qalalan dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay.

“Waa markii ugu horeysay guud ahaan caalamak ee la ogaaday in qof xanuunsan cudurkii hayay uu u gudbiyo xayawaan,” ayuu yiri Paul Calle, oo ah madaxa beertaasi oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Waxaa uu intaa ku daray in uu doonayo in macluumaadka uu la wadaago xarumaha cilmi-baarista ee baaraya qabka la isugu gudbiyo cudurka Covid-19.

Nadia, walaasheed Azul, labo Shabeel oo kale oo ah nooca loo yaqaano Amur iyo saddex libaax ayaa dhammaantood lagu wadaa in imika ay soo kabsadaan, sida ay sheegeen sarakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta.

Cudurkan safmarka ayaa markii hore waxaa isu gudbinayay bina’aadamka, balse in laga helay Shabeelka lagu magacaabo Nadia ayaa keenaysa su’aal ah in bina’aadamku uu u gudbin karo xayawaanka.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...