Saturday, August 1, 2026
24.8 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xaaf oo shaaca ka qaaday inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug!

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isaga oo xalay ku hoydey Magaalada Gelinsoor ee Gobolkaasi Galgaduud.

Xaaf iyo Xubnaha la socdey ayaa waxaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe kasoo wadey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor), kuxigeenkiisa iyo Xubno ka tirsan Xildibaannada Golaha Shacabka.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay tahay maalin weyn uu qiimo badan u leh Shacabka Galmudug,waxaana uu sheegay in khilaafku uu yahay fidno loogana baahan yahay in laga gudbo.

Waxaa uu sheegay Xaaf in uu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug loogana baahan yahay in Madax iyo Shacab ah ka wada Shaqeeyaan hormarinta maamulka Galmudug.

Mr. Xaaf ayaa xusay, in weli uu kusii sugnaan doono deegaananda Galmudug, isla markaana uu ka Shaqeyn doono horumarinta iyo dhismaha Goobaha muhiimka ah ee Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...