
Baydhabo (Halqaran.com) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta ansixiyey sharciga miisaaniyada 2020-ka oo ay soo gudbisey wasaarada maaliyadda Koofur Galbeed
Waxa uu kooramka maanta ahaa 87 mudane, waxaana cod gacan taag ah ay 84 mudane ku ansixiyeen sharciga miisaaniyada, 1 mudane ayaa diidey, 1 kalana wuu ka aamusey , halka 1 mudane oo kale aaney la ogeyn mowqif kiisa
Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaliya Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa ku dhawaaqay na tiijada maanta.
Ka hor inta aan la ansixinin sharciga miisaaniyada waxaa jirey qaar ka mid ha mudanayaasha baarlamaanka oo su’aalooyin ka keeney sharciga miisaaniyada Masuuliyinta wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Koofur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen ayaa ka jawaabayay su‘aalaha laga keeney sharciga ay soo gudbisay wasaaradiisa.
Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa khamiistii lasii shaafay soo ansixiyay sharcigaan miisaaniyada iyadoo maantana ay baas gareeyern golaha wakiilada Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





