Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

In ku dhow 100 Tahriibayaal Qaaqaawan oo laga helay Xudduuda Turkiga & Gariiga

Greece (Halqaran.com) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay helista in ku dhow 100 tahriibeyaal ah oo rag ah oo qaawan oo laga helay xudduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .

Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey dhibaatadaa oo ku dhacday 92 tahriibeyaal ah .

Giriigga ayaa eedda saaray Turkiga, isagoo sheegaya waxa uu ku tilmaamay dabeecad ayna aheyd sida ay yiraahdeen mid “cay ku ah ilbaxnimada “.

Turkiga ayaa sheegay in waxa deriskooda ay sheegayaan ay tahay waxa ay ku tilmaameen “war been abuur ah” waxayna ku eedeeyeen Giriigga waxa ay ugu yeereen “Cadowtooyo”.

Boliiska Giriigga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 92 rag ah kuwaas oo ay heleen iyaga oo qaawan qaarkoodna ay dhaawacyo ku yaallaan kana heleen meel u dhow xuduuda ay la leeyihiin dalka ay deriska yihiin ee Turkiga maalinimadii Jimcaha .

Ugu dambeyn, saraakiil ka tirsan hay’adda Yurub u qaabilsan xuduudaha ee Frontex ayaa sheegay in aya heleen caddeymo in tahriibeyaashau ka soo gudbeen webiga Evros oo ay halkaas ka soo galeen dhulka Giriigga iyagoo la socda doonto caag ah oo kayimid Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...